Cabdalla Cabdalla Maxamed oo Taliyaha NISA iyo kuxigeenkiisa cusub Dacwad ka gudbiyay.

Cabdalla Cabdalla Maxamed, Taliye kuixgeenkii hore ee Nabad Sugida Somaliya, ayaa la soo sheegayaa in warqad dacwad ah uu ugudbiyay Maxkamada Ciidamada Qalabka, waxaana dacwada ay la xiriirtay eedo uu ka tirsanayay Taliyaha NISA iyo Kuixgeenkiisa Cusub.

Warqadan, waxaa ku taariikheysan 2dii Bishan September oo ku aadaneyd maalinimadii Axada ee todobaadkii hore, warqadan waxaa lagu faafiyay baraha bulshada, iyadoo ay soo shaac baxday saacado yar uun ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu darajooyinkii ka xayuubiyay Cabdalla.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Nabad Sugida ka ruqseeyay Cabdalla Cabdalla Maxamed oo lixdii sano ee u dnabeysay ahaa Kuixgeenka NISA, Wuxuuna la soo shaqeeyay Taliyayaal badan.

Warqada uu soo saaray Taliye kuxigeenkii NISA, Waxaa sidoo kale lagu xusay eedeymo kala duwan oo uu u jeediyay Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah labada Taliye ee NISA Hogaanka u heysa.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/09/

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/09/

Mustaqbal media

Read Previous

Lucas Torriera oo dhaawac soo gaaray, imisa ayuu maqnaanayaa?

Read Next

AC Milan oo isha ku heysa Cesc Fabregas.