Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Napoli Lorenzo Insigne.
27 jirkaan ayaa afar sanno ka hartay qandaraaskiisa, laakiin sida laga soo xigtay Rai Sport, kooxda Liverpool ayaa xirir laso sameysa wakiilka xidigan.
Tababaraha kooxda Jurgen Klopp ayaa ku faraxsan in uu kooxdiisa kuso daro weraryahankan cajiib ah kaa kulankii Champions League ay labada kooxood ciyaared goolka guusha ka dhaliyay kooxda Liverpool.
Insigne ayaa xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Naples, isagoo 68 gool ka dhaliyay 263 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.
