Thomas Vermaelen oo la xaqiijiyay in mudo 6-Todobaad ah uu san cag soo dhigi doonin garoomada kubada Cagta, Sabab?

Xidigii hore ee Arsenal waqtiganna ka tirsan kooxda Barcelona Thomas Vermaelen oo dhawaan dhaawac soo gaaray ayaa la sheegay in uu mudo garoomada ka maqnaanayo.

Thomas Vermaelen ayuu dhaawac ka soo gaaray kulankii Switzerland ee tartanka UEFA National League kaas oo uu soo gaaray dhaawac xun oo ka soo gaaray jilibka Midig.

Xiddiga ayaa dhaawacmay daqiiqadii 63-aad waxana uu xiddigu ku qasbanaaday in uu isla markiiba ka boxo ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay.

Sidaas darteed kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Belguim garoomada ka maqnaan doono muddo 6 todobaad ah ugu yaraan taas oo la macno ah in uu seegi doono kulamo badan.

Kulamada uu xiddigu seegi doono waxaa ka mid ah Real Madrid,Inter Milan oo laba kulan ah,Rayo Vallecano,Atletico Madrid,Real Betis iyo PSV Eindhoven.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wasiirrada arrimaha dibadda Eritrea iyo Itoobiya oo yimid Muqdisho,Sawirro

Read Next

Lorenzo Insigne oo bisha janaayo kuso wajahan horyaalka Premier League-ga, Yuu ku biirayaa?