Nin u dhashashay Dalka Kenya ayaa xaaskiisa u dilay Soorta Ugaalida ee aadka looga jecelyahay dalkaasi.
Ninkan ayaa isbitalka la geeyay saacado yar kadib markii uu waxyaabo sun ah cuney si uu nafta isu dhaafiyo saacada yar uun kadib markii xaaskiisii ku diley Soorta Ugaalida ay ku murmeen.
Falkaan ayaa ka dhacay xaafada Emukaba ee dalka Kenya maalintii Axada aheed ee shalay ,waxa ayna dadka deegaanku ku sheegeen xaalad ugub ah ayna wali la fajecsanyihiin.
Ninkan ayaa dilay xaaskiisa kadib markii ay ka diidey in ay u kariso Soor uu ka dalbaday, kadibna sida wararka qaar sheegayaan uu ku dilay midi oo dhowr mar ka galiyay jirkeeda dhamaan.
Ninkaan oo ahaa 45 sano jir ayaa markii uu diley xaaskiisa waxa uu ku qariyay maryo iyo buste uu korsaaray isaga oo dhiigiina ka dhaqay kadibna iska aaday meel, xaafada u dhaw oo ciyaar laga fiirsanayay lakiin dariska oo shanqarta iyo sawaxanka ka shaki qabay ayaa arkay maydka gabadha la dilay.
Ninkaan ayaa markii uu ogaaday in laga war helay dhimashada gabadha ayuu cabay sun si uu nafta isku dhaafiyo, waxa uuna noqaday miir la’aan.
Dadka xaafada ayaa ugu wacay booliiska si meesha looga qaado ninkaan sunta cabay iyo meydka gabadha ,ninkaan ayaa hada xaaladiisa caafmaad lagu dabiibayaa Istibaal ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Isha NAIROBINEWS.
