Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo K/Galbeed oo dhagaxdhigga ka qeybgalay

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ka qeybgalay munaasibadda dhagax dhigga dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar.

Image may contain: 4 people, outdoor

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgelay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isagu dhagax dhigay waddooyinkaasi.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

Dhismaha labada Waddo waxaa maalgelineysa Dowladda Qadar oo horay u ballanqaadday, waxaana maanta la billaabayaa dhismaha Waddooyinkaas isku xira Muqdisho iyo Jowhar iyo Muqdisho iyo Afgooye.

Image may contain: text

Waddooyinkan waxaa horay qiimeyn ugu sameeyay Injineerro u dhashay Dalka Qadar oo yimid Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Burundi

Read Next

Kenya: Nin xaaskiisa u dilay soor Ugaali darteed.