MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaaneyso Joe Hart inuu ka tago xagaaga 2018-19.
31-jirkaan oo ka maqnaa xulka England Koobka Aduunka 2018, ayaa labo xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaatay Torino iyo West Ham United ka dib markii loo arkayay inuu yahay xidig aan boos ka heleynin City.
Hart ayaa ka mid ah xidigaha diyaar garowga xilli ciyaareedka ee kooxdiisa, lakiin waxaa la filayaa inuu ka tago xagaagan.
Sida laga soo xigtay The Times, Citizens ayaa haatan diyaar u ah inay Hart iska fasaxdo xagaagan.
Goolhaye oo wali hal sanno ka harsan heshiiskiisa haatan, ayaa xirfadiisa ciyaareed ku bilowday Shrewsbury Town ka hor inta uusan ku biirin City 2006dii.
