MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dowladda Iran ayaa sheegtay in sanduuqa madow ee keydiya xogta duulimaadka aysan ku wareejin doonin shirkadda diyaaradda sameysay iyo Dowladda Mareykankaba.
Diyaaradan oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo ay tiradoodu gaareyso 176 qof ayaa nooceedu ahaa Boeing 737-800, waxayna ku dhacday duleedka Magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, daqiiqado ka dib markii ay duushay.
Marka la eego shuruucda caalamka u degsan ee dhanka duulimaadyada ah, Iran waxay xaq u leedahay in ay hogaamiso baaritaannada ku aadan waxa sababay shilka diyaaradda.
Haseyeeshee shirkadda sameysay diyaaradda ayaa farsamo ahaan aanan looga maarmin in ay ku lug yeelato baaritaanka, maadaama dalal kooban oo caalamka ay aqoon u leeyihiin in ay baaritaanka sameeyaan.
Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ayaa dhacday xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysa dalalka Iran iyo Mareykanka, waxayna duushay saacado ka dib markii Iran ay gantaalo ku weerartay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq.
Illaa iyo hadda lama garanayo waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa labada wadan.
Haseyeeshee madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka digay in la faafiyo wax aan la hubin illaa iyo inta laga soo saarayo warbixinta rasmiga ah ee baaritaanka.
Dadku ku dhintay diyaaradda waxay kala ahaayeen 82 qof oo u dhashay Iran, 63 u dhalatay Canada, 11 Ukraine oo ay kamid yihiin 9 shaqaale ah, 10 u dhalatay dalka Sweden, 4 Afghanistan ah, 3 Britain, iyo 3 Jarmal ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dadkii ku dhintay diyaarada 15 ikamid ah ay ahaayeen caruur.
Mustaqbal Radio.
Isha:BBC&AFP.
