Gudoomiye Waaxeed lagu dilay Magaaladda Muqdisho.

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa waxaa ay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku dileen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaas.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo Haweeney ah ayaa waxaa lagu magacaabayay  Nasra Cali Geesood,waxaana ay ku geeriyootay goobtii lagu dilay sida ay joobjoogayaal Mustaqbal Radio u xaqiijiyeen.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta iyada oo ciidamada amaanka ay howlgal ka fuliyeen xaafadda uu dilka ka dhacay.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin ilaa hada dad loo soo qabtay,hayeeshii wali uu socdo baadi goobka Kooxdii Dilka gaysatay.

Dad yaqaannay Nasra Cali ayaa sheegay in ay ka geeriyootay 8 Carruur ah oo ay hooyo u ahayd.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlada ayaa xalay hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir iyaga oo qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah sidoo kale ku soo qabtay dhowr qof oo ay tuhunsanyihiin.

Xaafadda Baar Ubax ee degmada Warta nabadda oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa waxaa laga sameeyay howlgal qorsheysan oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday rag la tuhun sanyahay oo ka tirsan kooxda Al Shabaab

Howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu beegsanayay sarkaal ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

News Editor

Read Previous

Sarkaal ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo ku dhintay Xabsi ku yaalla Muqdisho.

Read Next

Iran oo diiday in ay wareejiso sanduuqa madow ee keydiyay xogta diyaaradii burburtay.