Edinson Cavani oo iska diiday in uu ku biiro Man United.

Dhaliyaha kooxda PSG iyo Uruguay ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxda Man United oo dhawaan dalab ka gudbisay wuxuuna sheegay in uu ku qanacsan yahay sii joogistiisa kooxda Paris.

32-jirkaan ayaa ka mid ah xidigaha sanadkan aad looga doon doonayo daaqada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna diirada u saarnaa kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay kooxda Atletico Madrid.

Antoine Griezmann ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda Atletico waxaana uu ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxaha Barcelona iyo Man United midkood Atletico ayaana dooneysa in badalka Griezmann ay ka dhigto Cavani.

Weeraryahankii hore ee kooxda Napoli ayaa waxaa ka harsan qandaraaskiisa hal sano waxaana suuragal ah in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Virgil van Dijk oo loo magacaabay xidigii ugu fiicnaa Liverpool xili ciyaareedka 2018/19.

Read Next

Dad ku dhintay weerar ka dhacay Japan.