Dad ku dhintay weerar ka dhacay Japan.

Labo Ardayad oo dhigan jirtay Dugsiga Hoose ayaa geeriyootay dalka Japan, halka 16 kalena ku dhaawacmeen weerar uu Nin ku hubeysan tooreey uu saakayto ka geystay goob basaska laga raaco oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Tokyo.

2 ruux ayaa dhaawaca Tuurayda ka soo gaartay ku geeriyooday halka 16 arday oo kalana ay ku dhaawacmeen oo ku sugnaa Bosteejadda iyo kuwo ku dhex jiray Baska sida ay sheegeen laamaha amaanka Tokyo.

Idaacadda Qaranka Japan ee NHK waxay ka soo xigatay Boliska in uu weerarkaasi ka dhacay magaalladda Kawasaki ee dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Tokyo ee dalkaasi.

Gabdhaha la dhaawacay oo da’doodu u dhexeysay 6 jir ilaa 12 jir waxay ahaayeen Arday sugaysay gaarigii Iskuulka ee ay raaci lahaayeen.

Dhinaca kale, Warbaahinta NHK waxay sheegtay in Ninka geystay weerarkaasi oo da’diisa lagu qiyaasay 40-aadka ayaa isagana isku dilay Tooreeydii uu watay ayuu isku dilay, sida ay Boliska Japan shaaciyeen.

MM Staff

Read Previous

Edinson Cavani oo iska diiday in uu ku biiro Man United.

Read Next

Benfica oo ku dhawaaqday qiimaha ay ku fasaxeyso Joao Felix.