Benfica oo ku dhawaaqday qiimaha ay ku fasaxeyso Joao Felix.

Kooxda kubada cagta ee Benfica ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaaqday qiimaha ay ku fasaxeyso xidigooda aadka suuqa looga doon doonayo ee Joao Felix.

19-jirkaan ayaa ka mid ah xidigaha aadka looga doon doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna diirada u saaran yahay kooxo dhowr ah oo ay ka mid yihiin labo Manchester,Real Madrid,Juventus iyo Atletico Madrid.

Shabakada Goal.com ayaa ku warameysa in kooxda Benfica ay ku dhawaaqday aduun dhan 100-m wax ka yar in aan lagu fasixi doonin weeraryahan kooda Joao Felix.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Dad ku dhintay weerar ka dhacay Japan.

Read Next

Ciidanka Macawislayda oo sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Al Shabaab.