Virgil van Dijk oo loo magacaabay xidigii ugu fiicnaa Liverpool xili ciyaareedka 2018/19.

Daafaca kooxda Liverpool iyo xulka Holland Virgil Van Dijk ayaa si rasmi ah loogu magacaabay in uu yahay xidigii ugu fiicnaa Liverpool xili ciyaaredka soo dhamaaday ee 2018/19.

Virgil van Dijk ayaa xili ciyaareedkan ku garaacay abaal marintan, laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax kaa oo isagana sameeyay bandhig cajiib ah.

Laacibka reer Holand ayaa xilli ciyaareed fiican ku qaatay kooxdiisa cusub ee Liverpool, wuxuuna Reds ka caawiyay inay si adag kula dagaalanto Manchester City ku guuleysiga horyaalka.

Daafaca reer Holland ayaa 38 kulan uu ka ciyaaray horyaalka Premier League wuxuu dhaliyay 4 gool, waxaana laga dhaliyay 22, isagoo ku hogaamiyay kooxdiisa in shabaqeeda ilaashato 23 kulan.

Dhanka Europe wuxuu daafaca reer Holand kooxdiisa Liverpool ku hogaamiyay inay markii 2aad gaaraan finalka Champions League-ga waxeyna la ciyaari donaan dhigooda Tottenham Hotspur 1 bisha June waxeyna ku wada ciyaari doonaan garoonka Wanda Metropolitano.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Dhageyso: Xildhibaan Xidig oo xeer ilaalinta Qaranka ka dalbaday iney baaraan qarixii la doonayay in isaga lagu dilo.

Read Next

Edinson Cavani oo iska diiday in uu ku biiro Man United.