Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Garoonka Aadan Cadde

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad nuuca qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin howlgalka AUSSOM, taasi oo ku burburtay qeybta Afasiyooni ee garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in Diyaaradda ay ka soo kacday Garoonka Baledoogle, ayna saarnaayeen 8 ruux, isla markaasna aan la ogeyn xaaladooda.

Maareeyaha ayaa sheegay in ay weli socdaan gurmadka iyo daminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas, lana ogaan doono sababta keentay soo dhicista diyaaradda.

Ugu dambeyn, Maareeye Axmed ayaa sheegay in la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka AUSSOM, kaasi oo la xiriira burburka Diyaaraddan.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Khasaare ka dhashay diyaarad ku burburtay meel u dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Read Next

Iiraan oo joojisay wada shaqeyntii Hay’adda Atoomikada Adduunka