Dhageyso:- Madaxda Dowladda oo Sameysanaya Xisbi ay Ku Mideysan yihiin.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkaan waddo dhaqdhaaq ku saabsan sameynta Xisbi ay ku mideysan yihii Mas’uuliyiinta Dowladda si ay ugu hortagaan loolanka ay wadaan Xisbiyada kale oo ay ka dhex muuqdaan Mas’uuliyiin Xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Talaado ah tagay Xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu u diiwaangeliyo Xisbiga Dowladda ay wadao.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo qaatay Xeerka Asxaabta Siyaasadda iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada.

Mahdi Maxamed Guuleed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka Xafiiska guddiga uu u tagay in ay tahay in uu ka soo qaato Xeer Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada,Maadaama uu Wakiil ka ahaa Xukuumadda.

Waxa uu sheegay in ay u hoggaansamayaan Xeerarka iyo Shuruucda Diiwaangelinta Xisbiga si ay u helaan ogolaanshiyo ay ugu qayb galaan Doorashada Qof iyo Codkii ah ee la filayo in ay Dalka ka Dhacdo 2020.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa si KMG ah ugu diiwaangeliyey 22 Xisbi siyaasadeed, waxaana qorshuhu yahay in Xisbiyada qaar ay isku biiraan, iyaga oo sameysanaya Kudlo ay ku mideysan yihiin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Mustaqbal media

Read Previous

Golaha Aqalka Sare oo Go’aan ka qaatay Khilaafka Madaxda Galmudug. (Warsaxaafadeed).

Read Next

Eng Camey “Qolyaha UN-ka Naga Daaya Ajaanibta aad Shaqada siineysaan”.