Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Madaxwyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Eng Cameey) oo la hadlayay Hay’adaha Samafalka ee Hoos taga Qaramada Midoobe ayaa u sheegay in dhibaatooyinka ka jira ay qayb ka yihiin.
Sababta waxa uu ku sheegay in Shaqo abuurka ay Dhalinyarada Dalka wax ku baratay loo rabay ay siiyaan Ajaanib dalka dibaddiisa ay ka keeneen.
Waxyaabaha keena in ay dhalinyarada ku biiraan Al-Shabaab iyo Daacish ayuu ku sheegay in ay arrintaas tahay sababta ugu weyn.
Ka maamul Puntland ahaan waxa uu tilmaamay in aan Yeeli Doonin Shaqaalaha Ajaanibta ah ee Lacagaha badan lagu siinayo, xilli shaqo la’aan Dhalinyarada Soomaalida heysato.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayuu ka codsaday in aysan Arrintaan Dheyalsan, maadaama uu sheegay in ay Dalka Mas’uul ka yihiin.
Hay’adaha kala duwan ee Hoos taga Qaramada Midoobe ayaa inta badan Shaqaale ahaan u qorsha Ajaanib kasoo jeeda Dalalka Daniska la ah Soomaaliya, taasine waxa ay keentay in ay fursado ka waayaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Halkaan ayaa kusoo beegmaya Xilli dhowaan Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya mar uu ka hadlayay Hay’adaha laga soo rarabayo Magaalada Nairobi, uu sheegay in fursado shaqo ay u noqon doonto dhalinyarada Waxbartay ee Shaqo la’aanta heyso.
