Golaha Aqalka Sare oo Go’aan ka qaatay Khilaafka Madaxda Galmudug. (Warsaxaafadeed).

War kasoo baxay Golaha Aqalka sare ayay ku sheegeen in aysan aqoonsaneen Xil ka qaadistii ay isku sameeyeen Madaxda Galmudug ee Labada Garab u kala jabay.

Golaha ayaa Madaxda Galmudug ugu baaqay in ay kawada hadlaan Waxyaabaha Khilaafka ka dhex jira inta uusan Burburin u horseedin Heykanka Dowlad Goboleedka Galmuug.

Golaha ayaa Baaqooda oo ka kooban Saddex Qodob ku sheegay in laga doonayo Madaxda Galmudug in ay ka shaqeeyaan Ilaalinta Mindimada iyo wada shaqeynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Galmudug.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Dadaalada Nabadeed ee Xalka loogu raadinayo Khilaafka kala geeyay Madaxda Galmudug.

Halkaan Hoose ka aqriso Warka kasoo baxay Aqalka sare:-

https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/

https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/

Madaxda Galmudug oo labo garab u kala jabay ayaa xilka Mooshino is xig-xigay isaga kala qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo dhanac ah iyo Madaxwene iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo iyanne dhinac kale ah.

Labada Garab ee kala degay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa qaban qaabinaya Doorashada Kuraasta ay Sheegeen in dhanba dhanka kale uu Xubnihii hayay Xilka ka qaaday.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Canshuureysa Warqadaha Dalaaq-muujinta.

Read Next

Dhageyso:- Madaxda Dowladda oo Sameysanaya Xisbi ay Ku Mideysan yihiin.