Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxa ay sheegtay in 6 Askari ay ka dhinteen halka dhaawacyo fudfudud kasoo gaareen 14 kale.
Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in khasaara xooggan la gaarsiiyay ‘AS’ iyada oo laga hortagay weerarkii ay ku qaadday Degmada Ceeldheer, sidoo kale waxa ay soo bandhigtay muuqaalka qof dhaawac ah oo ay ku sheegtay in ay dagaalka ku qabatay.
“Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo qorshaysan oo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtirto kooxaha ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceeldheer” ayaa lasii raaciyay qoraalka DFS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ‘AS’ khasaara xooggaan la gaarsiiyay isla markaana maydadka iyo dhaawacyada ay qaadan waayeen sida uu yiri.
Mustaqbal
