Danjiraha QM ee Soomaaliya oo weerarkii Dooxa ku micneeyay mid Israa’iil ay ku diidan tahay Nabadda

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa Fadhiga Golahaas waxa uu kahor sheegay in ay aad uga soo horjeedaan beegsigii Israa’iil Magaalada Dooxa isaga oo ku tilmaamay mid lagu diidan yahay in nabad loo raadiyo bariga dhexe gaar ahaan Gaza.

Abuukar ayaa sheegay in aanay loo dulqaadan Karin tallaabooyinka Israa’iil ay ku beegsaneyso meelaha ka badqaba colaadda ay ka dhex wado Bariga dhexe, waxaana uu intaas ku daray in diblumaasi ahaan aan wanaagsanayn tallaabooyinkaas oo kale.

“Beegsiga ka dhanka ah nabad raadin firfircoon waa mid lagu doonayo in lagu baabi’iyo yool weliba oo lagu gaari karo in la dhaliyo nabad, waan cambaareenaynaa beegsigii ka dhanka ahaa Qadar waana mid sharciga iyo xeerarka caalamiga ah kahor imanaaya” Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cismaan Baalle.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Qadar ay u furan tahay jawaab weliba oo ay uga falcelin karto weerarkii Talaadadii ka dhacay Magaalada Dooxa, qaraarka Qaramada Midoobay ayuu shaaciyay in uu kusoo koobmay cambaarayn oo keliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guddoomiyaha SoDMA & MW Firdhie oo kawada hadlay Xaaladaha bani aadamnimo ee deegaannada DG Waqooyi Bari

Read Next

DFS oo faahfaahisay khasaaraha kasoo gaaray Dagaalkii Ceeldheer & Maxbuus ay ka qabatay AS