Dele Alli oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa Tottenham.

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda  Tottenham iyo xulka Englan  Dele Alli ayaa saxiixay qandaraas cusub oo gaaraya ilaa 2024ka.

Xidiga heerka caalami ee England ayaa mustaqbalkiisa oo dhab u biyeeyay kooxdiisa Tottenham isagoona iska diiday inuu kooxda ka tago.

22-jirkaan ayaa aad looga doonayay suuqa xagaagan waxaana ku raad jogtay kooxda reer France ee PSG balse waa uu ku gacan seyray waxaa uuna saxiixay heshiis cusub.

Kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska ayuu xidiga la hadlay webka kooxda Tottenham wuxuuna yiri”Aad baan ugu faraxsanahay inaan sii joogo halkan waana gurigeyga aad baan u jeclhy Tottenham.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Pogba oo ganaax lacageed la dul dhigay, Sabab?

Read Next

Saraakiil ka tirsanaa Milatariga Afghanistan oo ku dhintay shil diyaaradeed