Diyaarad ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Milatariga Dalka Afghanisyan ayaa ku bur burtay Gobolka Farax ee galbeedka dalkaas.
Afhayeen u hadlay maamulka Gobolka ayaa sheegay in Diyaaradaha oo labo ahaa ay ku sii socdeen Gobolka deriska la ah Farax ee lagu magacaabo Herat.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Farax, Naser Mehri, ayaa sheegay in diyaaradda dhacday ay ku dirsatay Fiinta Buur ku taalla Gobolka iyada oo ay xilligaas socotay Ceeriyaamo badan oo ay adkeyd in Duuliyayaashu arkaan Buuraha iyo waxyaabaha kale ee la midka ah.
Dadka dhintay waxaa ku jira Taliye ku xigeenka taliska Galbeed ee Ciidanka Afghanistan, iyo 24 Qof oo kale.
Ururka Daalibaan ayaa iyaguna sheegtay in dagaalyahanno iyaga ka tirsan ay toogteen Diyaaradda sidaasna ku dhacday.
