Xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda United iyo xulka France ayaa lagu soo waranayaa in garka loo suuray ganaax lacageed.
Laacibka reer France ayaa lagu ganaaxay lacago dhan 350 oo bound kaddib markii lagu helay inuu Xawaare sare ku kaxeynayay baabuurkiisa qaaliga ah ee Rolls-Royce uu qiimihiisu yahay 300,000 oo bound.
Pogba oo Mushaar ahaan usbuuciiba Man United uga qaata inka badan 300,000 oo bound ayaa qirtay inuu baabuurkiisa ku waday xawaare dhan 40mph meel loogu tala galay in saacadiiba lagu wado 30m.
Pogba ayaa qoslay markii uu Garsooraha Maxkamadda waydiiyay haddii uu wada bixin karo lacagta 350 bound ee lagu ganaaxay, wuxuuna yiri ‘Haa waliba si dhib yar waana iga diyaar ee raali noqda’ ayuu isaga oo qosla kuyiri.
