Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Cesc Fabregas ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqda inuu diirada u saaran yahay Atletico Madrid.
Fabregas ayaa afar sano oo guulo ah ku riyaaqay Stamford Bridge, ciyaaryahanka reer Spain ayaa dhawaan sheegay inuu ku raaxeysanayo inuu ka hoos ciyaaro tababare cusub Chelsea ee Maurizio Sarri.
Si kastaba ha ahaatee, 31 jirkaan ayaa haatan isha ku haya line-upka horyaalka Ingariiska, sida laga soo xigtay The Mirror, Atletico ayaa bilowday inay diirada saarato saxiixa laacibkan.
Fabregas ayaa haatan hal sano ka hartay qandaraaskiisa, wuxuuna dalab xoogan ka helay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.
