Laurent Koscielny Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah.

Xidiga xulka France iyo kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayaa xaqiijiyay inuu gabi ahaanba isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Daafaca Arsenal Ayaa laga reebay xulka qaranka France ee ka qayb galay koobkii adduunka kadib markii uu dhaawac soo gaaray iyada oo uu wakhti yare ka dhiman yahay bilowgii koobkii adduunka.

Koscielny ayaa weerar ku qaaday tababaraha xulka qaranka France isaga oo sheegay in uuna wax xiriir ah la samayn intii uu dhaawacnaa waliba sheegay in uu hal mar kaliya la soo xiriiray isagoona arinta ka hadlaya waxaa uu yiri”

“Waxa uu ila soo hadlay kaliya hal mar oo ahayd bishii September si uu iigu hambalyeeyo dhalashadayda intaas wixii ka dambeeyay gabi ahaan maanu wada hadlin.

”Ku guulaysigii xulka France ee koobka adduunka ayaa si weyn ii dhaawacay marka loo eego sida aan uga xumahay in aan ka maqnaa”.

“Waxa aan doonayay in aan tartankaas ku soo xirno ciyaaraha caalamiga ah haatan waxa aan jiraa 33 sano waxana aan si Rasmi ah booska ugu badnaynayaa jiilka cajiibka ah ee uu xulku haysto”

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Cesc Fabregas oo dib ugu laabanaya horyaalka La Liga, Yuu ku biirayaa?

Read Next

Sergio Ramos:” Jordi Alba waa xidiga ugu wanaagsan xulka Spain”