MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Ra’isalwasaarihii hore ee Xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in weerarrada ka dhaca Magaalada Muqdisho ay wajiyo badanyihiin.
Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn AL-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh.
Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in AL-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan.
Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha Gaadiidka la hor dhigo Maqaayadaha ama qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan AL-shabaab shaqo ku lahayn,
