Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Oksana Voevodina,oo 27 jir ah iyo , Sultan Muhammad V oo 50 jir ah ayaa kala tagay lix bilood kaddib guurkooda.
Sultan Maxamed, ayaa guursaday Haweeneydan Bishii June 2018, laakiin waxaa si rasmi ah loo shaaciyay Bishii January ee 2019 markii warbaahinta ay baahisay Sawirrada isaga iyo xaaskiisa oo caweynaya.
Bishii May ee la soo dhaafay ayuu wiil u dhashay,waxaana todobaadyo kaddib dhalashada wiilkooda kala tageen iyada oo lala yaabay sida dhaqsiyaha badan ee ay u kala tageen.
Boqor Maxamed ayaa iska casilay xilka Boqorka Malaysia si uu u guursado gabadhan oo u dhalatay Dalka Ruushka.
Furriinka Lamaanahan ayaa waxaa Maxkamadda Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia sida ay maanta baahisay New Straits Times .
Furriinka ayaa dhacay 22kii June,sida ka muuqata shahaaddada kala tagga,waxaana Maxkamad Islaami ah laga diiwaangeliyay 1dii July.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta kala taggooda, hayeeshee warbaahinta Ruushka iyo midda Malaysia ayaa hadal haya in uu ka dhashay hadal ay ku qortay barteeda Instagramka oo ay ku sheegtay in wiilkeeda uu mar uun Boqor ka noqon doono dalka Malaysia.
Sultan Maxamed ayaa iska casilay boqornimada Malaysia si uu u guursado boqoradda quruxda Ruushka,arrintaas oo dadka ka yaabisay.
