Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Ugu yaraan shan Askari ayaa ku dhimatay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen markii Qarax uu ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxa ayaa maanta ka dhacay Waddada isku xirta Bariirre iyo KM60,waxaana Qaraxa lala beegsaday Gaari ay wateen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Askarta dhaawacantay iyo kuwa dhintay ayaa laga qaaday goobta markii ay Ciidamada dowladda gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay.
Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka,waxaa kale oo ay sheegeen in ay weerarkaas ku dileen shan ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarrada miinooyinka ah ee ay ka fuliyaan Kenya iyo Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd Markii dowladda Kenya sheegtay in saddex ka mid ah Al-shabaab ku dhinteen Lamu kaddib markii ay ku qaraxday Miino ay aasayeen.
