Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ugu yaraan ay 3 qof geeriyootay halka ay tiro kale ku dhaawacmeen.
Malleeshiyo beeleed labada dhinaca ah ayaa ku dagaallamay degaanka Ceeryaan oo Gobolka Sanaaf ka tirsan.
Shir u dhaxeeya labada beelood ee saaka dagaallamay ayaa waxaa uu ka socdaa Magaalada Ceel Afweyn,waxaana shirkaas lagu doonayaa in heshiis rasmi ah lagu gaaro.
Shalay ayey ahayd markii 42 Xubnood oo labada dhinac ah lagu dhaariyay Ceel Afweyn kuna ballan qaadeen in ay mas’uul ka noqdaan labada Beelood.
Boos Mire Maxamed oo ah Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Somaliland ayaa sheegay in Ciidamada ay kala dhexgaleen beelaha saaka dagaallamay haddana xaaladda deggan tahay.
Gogosha labada Beel ayaa wali taalla Ceel Afweyn iyada oo aan shirka wali la soo gaba gabeeyn,muddo dheer ayey beelahan ku dagaallamayeen Gobolka Sanaag,gaar ahaan Degmada Ceel Afweyn iyo degaannada hoostaga.
