Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Halyeeygii hore ee kooxaha labo Milan Juve iyo xulka Italia Andre Pirlo oo ka hadlay imaanshaha Ronaldo uu yimid Juve isagona sheegay in laacibkan uu juve ka caawindoono iney ku guuleysato koobka kooxaha yurub ee Champions League.
Pirlo oo wareysi siiyay Wargeyska Totosports ayaa yiri” Runtii waan ku farxay markii aan maqlay in Ronaldo uu kuso biiray juve waxaana isleeyahay waa laacib juve ka caawindoono iney ku guuleysato koobka weyn ee Champions League-ga.
Waa xidig awood u leh inuu kooxda u dhaliyo goolal muhiim ah waa laacib taariikh leh kana mid noqon karo halyeeyadii soo maray kooxda waana mid kamid ah xidigaha ugu quwada badan caalamka waana saxiix muhiim u ah kooxda Juve ayuu hadalkiisa kuso koobay Pirlo.
