Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in 50 Qof ay dhinteen iyada oo uu socdo gurmad xoog leh oo lagu doonayo in lagu damiyo dab ka socda meel u dhow caasimadda Athens.
Waaxda Gurmadka deg degga ah waxaa ay sheegeysaa in Tuulooyinka qaar ay bas beeleen islamarkaana dadka dhintay ay tiradoodu gaartay 50 Qof oo dhimasho ah.
Hay’adda Bisha Cas ee Giriigga ayaa sheegtay in meydka 26 Qof oo gubtay laga helay degaanka Rafina,taas oo sare u qaaday tirada dadka ku dhintay Dabka socda.
150 qof oo kale ayaa la sheegayaa in ay dhaawacyihiin,waxaa hakad galay dhamaan isu socodkii iyada oo uu dab xoog leh hada gaaray.
Diyaaraaha Helicopters-ka ah ayaa la arkayaa iyaga oo hawada biyo ka soo tuuraya si ay u damiyaan dabka.
Dabka ayaa Isniintii ka biloowday Tuulada Kineta, oo 55kM u jirta Athens,waxaana uu ku baahayaa Gobollo iyo magaalooyin kale.






