Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Haweeney Aroos ahayd ayaa u geeriyootay rasaas loo ridayay dabaaldegga Xafladda arooskeeda.
Mashaqadan ayaa shalay ka dhacday magaalada Gondar ee Gobolka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.
Koox dhallinyaro ah oo watay Qoryo ay ugu dabaaldagayeen Arooska ayaa rasaas furay waxaana mid ka mid ah rasaastii ay haleeshay gabadhii Arooska ahayd.
Booliska Magaalada Gondar ayaa sheegaya in ay baaritaan ku sameynayaan arrintan oo ay sheegeen in ay kedis ku noqotay maqalkeeda.
