Aqalka Sare oo sheegay inuu joojiyay wadashaqeyntii uu la lahaa Golaha Shacabka.

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo inuu joojiyay Wadshaqeyntii uu la lahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare oo ka kooban 7 Bog, ayaa waxaa ku saxiixan Gudoomiyohooda Cabdi Xaashi C/llaahi, Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayey uu baaqeen inuu wax ka qabto cabashadooda.

Waxyaabaha ay ka tabanayaan golaha Shacabka, ayey ku sheegeen iney kamid yihiin:

Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.

Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka,

Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

 

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Mareykanka oo sheegay inuu 10 Shabaab ah ku dilay duqeyntii u horeysay ee Sanadan.

Read Next

Aqriso: Nuxurka Khubaddii Haysom jeediyay Caawa