DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Xidiga kooxda PSG iyo xulka Argentina Abgel de Maria oo ugu dambeyn qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula sii joogaayo kooxdiisa PSG.
War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu sheegay in 30 sano jirka reer Argentina uu saxiixay heshiis gaaraya ilaa sanada 2021.
Heshiiskii hore ee Angel de Maria uu ku joogay kooxda Paris Saint-Germain ayaa wuxuu dhacayaa bisha June ee 2019.
Angel de Maria ayaa kadib marka uu saxiixay heshiiska cusub wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri”
“Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub u saxiixo kooxda Paris Saint-Germain, kadib saddex sano ee aan halkan jogo wan faraxsanahay, waxaan helay waxyaabo aad u cajiib ah, waan ku faraxsanahay inaan ka qayb qaato mashruucan guusha xambaarsan” ayuu yii xidiga reer Argentina.
