Waa tuulada Baiguni, oo dad badan oo halkaas ku nool ay hal kilyo iska iibinayaan si ay uga baxaan saboolnimo. Laakiin nasiib darro, halkii ay noloshoodu fiicnaan lahayd, waxay la kulmeen xanuun, khiyaano iyo nolol burburtay.
Ma yara dadka u dhiban kili ay iibiyeen. Safiruddin oo ah aabe haysta saddex carruur ah ayaa faqri dartiis u iibiyay mid kamid ah kilyahiisa sannadkii 2024.
Qiyaastii $2,900 Dollar ayaa laga siiyay kilidiisa, rajadiisu waxaa ay aheyd inuu guri iibsado oo saboolnimada ka baxo, balse hadda wuxuu ku sugan yahay nolol adag oo xanuun badan.
Safiruddin waxaa la soo xiriiray dilaaliin kuwaas oo ballan qaaday in wax walba fudud yihiin. Waxay diyaariyeen safarkii, waxay been abuureen dukumiintiyo muujinaya in Safiruddin uu qaraabo la yahay qofka uu kilyaha siinayo. Markii qalliinka la dhammeeyay, baasaboorkiisii, daawooyinkii iyo weliba ballanqaadkii lacagta – dhammaan waa laga qaaday.
Sheekadan ma ahan mid ku koobban hal qof. Tuulada Baiguni iyo gobollada ku dhow waxaa ka jira shabakad weyn oo dadka saboolka ah ku khiyaaneeya, una dhoofiya India, si loogu isticmaalo sidii deeq-bixiyeyaal kilyo sharci darro ah.
Codsiga killi bixinta waxaa kaliya loo soo bandhigaa dadka nolol ahaan liita, halka kuwa helaya kilyaha badanaa yihiin dad taajiriin ah oo diyaar u ah inay lacag badan bixiyaan si ay degdeg ugu helaan kilyo.
Xitaa dadka qaar ayaa lagu kaxaystaa iyagoo loo sheegayo in shaqo la siinayo India, balse markii la gaaro halkaas waxaa lagu khasbaa qalliin, kadibna lagu sii daayaa iyadoo aan wax daryeel ah la siin.
Laamaha ammaanka ee Bangaladhesh iyo Hindiya waxay sheegeen inay wadaan howlgallo lagu joojinayo dambiyadaan laga galayo dadka dhibaateysan.
Mustaqbal
