Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo wadamada Rwanda, Congo, Malawi, Comoros iyo Mauritius, Ilyaas Cali Xasan, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ugaga gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Malawi, Dr. Lazarus Chakwera.
Munaasabadda gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Malawi ee Kamuzu Palace oo ku taalla caasimadda Lilongwe.
Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Malawi soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyay, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ay diyaar u tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, wax soo saarka, iyo siyaasadda gobolka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fursadaha iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Malawi, iyadoo Danjiruhu muujiyey in Soomaaliya ay xiiseynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si wadajir looga shaqeeyo xasilloonida iyo horumarka guud ee Qaaradda.
Dhamaadka kulanka, Madaxweynaha Malawi ayaa u rajeeyay Danjire Ilyaas guul iyo horumar intuu xilkaasi hayo, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu diyaar u tahay wada shaqeyn iyo iskaashi miro dhal ah.
Mustaqbal
