Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay heshiisyo lala gaarey Turkiga iyo Masar.

Kulan ay Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyada oo lagu meelmariyay heshiisyo ay Soomaaliya hore ula gaartey dalalka Masar iyo Turkey.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa lagu soo bandhigay heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar kaasi oo la xiriira iskaashiga arrimaha caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada.

Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaas oo ay Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

Dhinaca kale, Golaha ayaa ansixiyay 9 Murrashax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Itoobiya oo ku dhawaaqday in la dhammeystiray biyo-xireenka Webiga Nile

Read Next

Maxaa ka taqaana Tuulada ay ku nool yihiin dadka halka kaliya leh?