LAASCAANOOD: MILICSIGA MAAMUL DHISAN 2 SANO

Qoraalkan waxa uu daarran yahay warbixin kooban oo ka dhalatay safar gaaban oo aan markiisii iigu horraysay noloshayda ku tagay qeybo ka mid ah degaannada Maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee SSC-Khaatumo, safarkaas oo aan intiisa badan ku qaatay magaalamadaxda maamulka ee Laascaanood. Waxa aan iskudayi doonaa in aan dhawr dhinac ka istaago xaaladda guud ee degaanka, duruufta bulshada (socio-economic conditions) habnololeedka iyo habdhaqanka magaalada Laascaanood—aniga oo xeerin doona arrimo badan.

HORDHAC

Laascaanood, caasimadda gobolka Sool waa magaalo taariikhi ah oo marar badan noqotay xarun isbeddel. Waxa ay horseed u ahayd dhaqdhaqaaqyo badan oo geyiga Soomaalida ka dhacay, ka soo bilow halgankii gobannimadoonka ahaa ee Daraawiisheed oo ku keen halgankii aayakatashiga ahaa ee Jamaahiirta reer Laascaanood — arrintan ayaa Laascaanood ka dhigaysa magaalo halgan iyo adkaysi!

Waxaa la sheegaa in Laascaanood ay labo xilli aasaasantay:

  1. Xilli waxa ay buddhig u ahayd Sayid Maxamed Cabdille Xasan (ama Daraawiish) oo degganaa buur ka mid ah buuraha degaanka, taas oo jihada koonfureed ka barkan caasimadda, waa Buurta Sayidka.
  2. Jeer kalana, waxaa dib-u-yagleelay ganacsato ka dib jabkii Daraawiish (1930meeyadii), ilaa uu degmeeyay gumyastihii Ingiriiska, sabab kasta ha ka lahaadee, horraantii 1940meeyadii.

YAGLEELIDDA RASMIGA AH EE DAWLADGOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO

Labadii sano ee u danbaysay magaalada Laascaanood waxaa ka socday dadaallo lagu dhisayo maamul degaanka u adeega, kaas oo ay leeyihiin dadka degaanka, danahoodana ka shaqeeya—dadaalladaas ayaana soo taxnaa labaatankii sano ee u danbeeyay.

SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah loo aasaasay 6dii Febraayo 2023dii ama aan iraahdo: dadka degaanka ayaa dib u la wareegay talada masiirkooda iyo go’aan-ka-gaarista aayahooda (self-determination). Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 19kii Oktoobar 2023dii u aqoonsatay si KUMEELGAAR ah; ugu danbayn se 13dii Abriil 2025 ayay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya si RASMI ah u aqoonsatay in Maamulgoboleedka SSC-Khaatumo yahay maamulgoboleed rasmi oo jira, isla markaasna leh awoodaha maamulgoboleedyada kale ee dalka iyo sharciyad siyaasadeed (political legitimacy), sida Hirshabeelle, Galmudug, Buntilaan, Jubbalaan iyo Koonfur Galbeed.

Maanta, marka laga yimaaddo dhawr hay’adood, badi hay’adaha Maamulgoboleedka SSC-Khaatumo waxa ay deggan yihiin xarumo ay iyagu leeyihiin. Waa qodob caddaynaya in uu jiro heer iskufilnaansho ah, waxaana sheegid mudan in masuuliyiinta majaraha u haya hay’adahaas ay ku shaqeeyaan si iskaa-wax-u-qabso ah, taas oo ka dhigan nafhurnimo aan wax loo dhigaa jirin!

Haddaba, intaas ka dib, aan si guudmar ah uga warrramo qeybaha nolosha magaalada, dhaqandhaqaalaha bulshada, horumarka degaanka ilaa rugaha taariikhiga ah ee ay Laascaanood caanka ku tahay.

1. HORUMARKA BULSHADA: DHAQAALAHA

Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo waxa uu garwadeen ka noqday guulo waaweyn oo dhinac kasta ah, waxa uuna muujiyay qaangaarnimo siyaasadeed (political maturity)—taas oo aan u soo heli karno tusaalayaal magag badan. Waxa uu xil iska saaray in uu seeska u dhigo in bulshadu hesho aasaasiyaadkii nolosha—sida helidda koronto jaban oo kafaysa baahida degaanka, galinta biyo nadiif ah iyo waxbarasho carruurta degaanku u dareerto subax kasta (waa run oo in badan oo intaas ka mid ah waxaa sameeyay ganacsato isxilqaantay, misana waxaa hubanti ah in jewiga ay arrimahaas ku suurtoobeen uu abuuray maamulkan cusub!)

Kaabayaal dhaqaale, guryo iyo xarumo kale oo badan baa ku waxyeeloobay/burburay dagaalladii degaanka ka dhacay, waxaana badankood lagu sameeyay dibudhis iyo dayactir.

Dhinaca kale, maamulka cusub ayaa sidoo kale ku guulaystay midaynta iyo qaadista canshuuraha ka la duduwan, sida canshuurta macaash-macaashka ama faa’iidada, canshuurta guryaha, ganacsiyada, kala-iibsiga walxaha iyo canshuurta waddamarista. Dhabtii, arrintan waa bu’da rumaynta madaxbannaani dhaqaale (fiscal independence).

Laascaanood waxa ay leedahay ganacsiyo u soo dhabar-adaygay tacaddiyadii degaanku la soo daalaadhacayay muddo dheer, tacaddiyadaas oo curyaamiyay aragti kasta oo degaanka wax taraysay. Waxa kale oo xusid mudan in dhaqaalaha ugu badan ee degaanka soo gala uu ka yimaaddo qurbajoogta degaanka, inkastoo arrintani tahay baxnaano iyo jeenan uu degaanku aad ugu baahan yahay, misana waxaa suurtagal ah haddii aan Iaga maarmin mustaqbalka dhow in ay isu beddesho bushi laga soo bogsan waayo!

Mar kale, SSC-Khaatumo, maamul ahaan, waxa aan ku tilmaami karnaa: ubax ka dhex baxay dhul qarfe ah, oomane ah, saxaraxigeen ah, guban ah ama labo dhagax dhexdooda oo wajahaya dhibaatooyin ay ugu horrayso dabaylo xididdada u siiba, daadad qaada ama abaar nolosha u soo gaabisa! Sababtuna ma adka ee waa qodobbadan daraaddood:

  • Degaanku ma laha ilo dhaqaale oo la isku hallayn karo, mana jiraan waxsoosaar rasmi ah oo lagu tashado.
  • Lacagaha degaanka laga adeegsado waa kuwo elektaroonig ah (doollar bes), ma jiro shillin Soomaali daabacan oo lagu baxsan karo, arrintan oo ay ka la mid yihiin qeybo badan oo dalka ka mid ah, waana xilkasnimadarro aan ku eedayn karno Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ama Dawladda Dhexe!
  • Degmada Laascaanood, iyo guud ahaan maamulku, wuxuu wax ka la soo degaa dekedda Boosaaso oo canshuur lixaad leh looga qaado; wuxuu khudaarta ka la yimaaddaa Hiiraan iyo Shabeellooyinka, waxayna taasi keentay in maciishaddu mar kasta cirka ku shareeran tahay, iyada oo aad mooddo in sicirbararku noqday habdhaqan la la qabsaday, taas oo aan u la jeedo in aysan jirin cid wax iska weydiinaysa xabbadda mooska ah ee la gadayo $0.30!
  • Ma jiraan gaadiid dadweyne oo dadku adeegsado (public transportation) kaas oo gudaha magaalada ka shaqeeya—cid kasta oo aan gaari lahaynna waxa ay ku qasban tahay adeegsiga mooto bajaaj ama tagsi.
  • Sidaas darteed, nolosha degaanku waa mid qaali ah, shaqadu waa suququl, dadkuna way isku dul nool yihiin—oo qofka shaqeeya wuxuu ku qasban yahay in uu, si aan muran la lahayn, u gacanqabto inta aan shaqaynin, shaaha shubiddiisana uusan ku hadlin.

Sida aan qabo, waxaa horumar kasta oo la filan karay hor taagan:

  • Iskusocodka la’aanta dadka ee Khaatumo iyo Soomaalilaan—iyo xitaa isla gudaha maamulka Khaatumo (caqabadda hore oo arrimo siyaasadeed ku dabran yihiin marka kaga yimaaddo, midda danbe waxa ay eersanaysa jidad la’aan iyo xannibaadyo siyaasadeed (political limitations).
  • Culaysyada siyaasadeed ee Buntilaan iyo Soomaalilaan degaanka ku hayaan ayaa iyagana abuuraya isdiiddooyin siyaasadeed (conflict of interest) oo mararka qaar abuuraya xaalad cakirnaan ah.
  • Madaxyaweyntii (elite) degaanka oo weli dibedjoog iyo daawadayaal ka ah arrimaha degaanka, dadkuna uu magan yahay maskaxda kuwo aan waxba u soo sidin.
May be an image of 1 person, wingtip shoes, eyewear, suit, wrist watch and text that says 'AARGADA JAMAAHIRTA D/:ADHI CADDEEYE unded #undedby by: S] Ts'
Halkani degmada Aricaddeeye oo ka tirsan gobolka Sool.

Ka rogoo labo saar, intaas oo hantaaqo ah ha jirtee, misana waxa aan indhaha laga qarsan karin in maamulkii curdanka ahaa uu ku dhiirraday in uu dib u hagaajiyo kaabayaasha dhaqaale ee ku saamoobay colaadihii degaanka soo maray, isaga oo soo kordhiyay kuwo cusub. Sidoo kale, maamulka cusub ayaa ku guulaystay in uu xoojiyo suuqa xoolaha nool, kuwaas oo nolosha dadku ku xiran tahay, dhaqaalaha gobolkana udubdhexaad u ah.

Waxa aan qodobkan ku soo gunaanadayaa in magaaladu maanta ugu baahi badan tahay ilo dhaqaale oo ay ku tashato, ayrabood ka roga diifta saaran iyo hoggaan ku haga tubta horumarka.

2. AMNIGA: HANASHADA AWOODDA

Waxaa hubaal in aysan cidina ku murmaynin sarraynta amni ee Laascaanood ee maanta. Waa arrin bogaadin mudan in maamulka cusub ee SSC-Khaatumo uu ka adkaado xakamaynta amniga guud ee degaannadiisa (consolidating power), sugo xuduudihiisa, isla mar ahaantaasna ku dhaqangaliyo awaamirtiisa.

Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u suga gacankuhaynta amniga magaalada, iyaga oo ka hor taga rabshadaha iyo falalka lidka ku ah xasilloonida degaanka iyo bedqabka shacabka.

Saddex qodob baa se xal u baahan:

  • Hubka tirada badan ee Laascaanood xarragada ka ah ee ku jira gacmaha shacabka, inkastoo marar badan ay arrintani dhashay natiijo fiican (sida: dib-u-xoraynta degaannada SSC-Khaatumo), haddana sax i la ma aha in, mar haddii dadku dawlad yeeshay, ay u dhaqmaan sidii beri xaal ahaa. Hubka oo gacmaha shacabka ku yaraada waxa uu sahlayaa in uu maamulka cusubi hanto kalsooni buuxda.
  • Helidda saraakiil leh aqoon sare, waaya-aragnimo ciidan iyo mushaar joogto ah oo aan laga sugin gacan kale (mid reereed, kab dawlad dhexe ama/iyo deeqo caalami ah).
  • Qabiilaynta ciidanka ayaa ii la muuqata aafo daran, waana dhinbiil danbas huwan, taas oo u baahan in dib-u-habaynta ciidanka lagu daro iskudhafiddooda.

Ugu danbayntii, maamulka cusubi waxa uu bilaabay dhisidda xarumo amni iyo ciidan oo rasmi ah oo leh tababar, qalab iyo hoggaan cusub, wuuna ku ammaanan yahay.

3. WAXBARASHADA: BILOWGA HORUSOCODKA BULSHO

Mid ka mid ah arrimaha aan la yaabay waa sida maamulka cusubi u maareeyay, isla mar ahaantaasna u horumariyay waxbarashada. Waxaa degaanka ka jira dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo in door ah ku filan baahida waxbarasho ee degaanka. Waxaa jira jaamacado u diyaarsan qaabilidda ardada ka soo qalinbeddelata dugsiyada sare, kuwaas oo tayo ahaan ku filan soosaarista jiil aan ka dhicin dhiggooda.

Dugsiyo badan oo dadweyne iyo kuwo gaar loo leeyahay ayaa dib u furmay, waxaana lagu dadaalayaa in la sameeyo nidaam waxbarasho oo SSC-Khaatumo u gaar ah.

Maamulka cusub ayaa in ka badan labaatan iyo dhawr sannadood ka dib ku guulaystay in uu degaannadiisa ka hirgaliyo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo labadii sano ee uu jirayba joogteeyay.

Sannadkan guud ahaan degaannada SSC-Khaatumo waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare u fadhiistay in ku dhow 2,000 oo arday oo reer Khaatumo ah, kuwaas oo ka la mid ahaa guud ahaan ardayda Soomaaliyeed helidda imtixaanka shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladgoboleedka SSC-Khaatumo ayaa ku filnaatay qaadista imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe, sannadkan iyo kii ka horreeyayba, taas oo muujinaysa hawlkarnimada, kartida iyo xilkasnimada hoggaanka Wasaaradda (institutional capacity).

Dhinaca kale, “Macallimiinta Qaranka” oo ay mushaarkoodu bixiso Dawladda Dhexe ayaa ka hawlgala degaannada SSC-Khaatumo, waxa ayna qeyb ka yihiin sara-u-qaadista heerka waxbarasho ee degaanka.

4. RUGAHA TAARIIKHIGA AH EE DEGAANKA: ASTAAN JIRTAAN

Laascaanood waxay leedahay taariikh fac weyn iyo meelo xusuus gaar ah leh. Aan si boobsiis u dul cararo:

  • Dooxadda Geedaqarsay: Waa kobta caanka ah ee garaaddada guud lagu caleemasaaro. Waa goob caan ah oo astaanta u duubab dhaqan ee degaanka.
  • Daarta Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke: Gurigan waa goobta lagu dhex dilay 15kii Oktoobar 1969kii Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharmaarke, waxaana weli ka muuqda raadadkii burburka.
  • Gol Khaatumo (Jaamallaaye): Waa halkii lagu aasaasay Xisbiga USP (United Somali Party) 1958. Waxaa shir weyn ku qabtay beelaha Dhulbahante, Warsangeli, Gudabiirsi, iyo Ciise, ka hor midowgii Soomaaliya (faahfaahinta shirkaas hadda ka ma gaarno). Waxaa xusid mudan in magaca Khaatumo (2012) wuxuu ka yimid halkaas, waxa uuna noqday magaca rasmiga ah ee maamulka: SSC-Khaatumo (2023).
  • Buurta Sayidka: Waxa ay ku taallaa cirifka bari ee magaalada, waa halka ugu horraysa ee qorraxdu kaga soo baxdo Laascaanood. Waxaa ku yaallay qalcad Daraawiisheed.
  • Taliska Goojacadde: Waa saldhig istiraatiiji ah oo ciidamada degaanka ay ku leeyihiin magaalada, lagana sameeyo hawlgallo amni, waa mid ka mid ah rugaha caanka ah ee magaalada Laascaanood.
May be an image of 1 person, eyewear, overcoat and suit
Halkani waa taallada Gol Khaatumo oo ah meesha uu ka yimid magaca “Khaatumo”.

GUNAANAD

Labada sano ee la soo dhaafay, Laascaanood waxa ay martay imtixaan adag, waxaana weli hor yaalla mid ka sii adag oo rejada ka gudbiddiisu ku xiran tahay dadaalka loo galo gaaridda iskufilnaansho dhaqaale, xasillooni amni, helidda madaxyaweynta degaanka (kuwo siyaasadeed, aqooneed amadhaqaale) iyo isu dheellitirka go’aannada siyaasiga ah ee ku wajahan arrimaha soo gudboonaada.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu dhidibbada u taagay muddadii uu jiray maamul dadka degaanka u dhashay ay wada leeyihiin oo taladiisa u madaxbannaan (autonomous administration), iska dhex arkaan oo ku metela miisaska siyaasadda ee dalka (political representation), waana doonistii shacabka reer SSC-Khaatumo oo taabbagashay!

Gabagabadii, waxa aan ku talin lahaa:

  • In dib-u-dejin loo sameeyo dadkii ka qaxay dagaalladii degaanka wada saabtay.
  • In la dhammaystiro kasbashada reeraha deggan xuduudka (territorial area) Dawladgoboleedka SSC-Khaatumo, oo lagu soo xeragaliyo dano ay u soo muhdaan, sida reeraha deggan gobolka Sanaag!
  • In askariyaynta tirada badan la yareeyo oo shacabka dawga horumarka ka xigo loo duwo, nololna loo abuuro—si taas la mid ahna, maamulku waa in uu hubka xakameeyo, ciidanka militariga ahna furimaha loo daayo, oo aysan magaalooyinka si habqan ah u soo galin!
  • In la xoojiyo ha’adaha dawladda, la siiyo kalsooni buuxda oo loogu hoggaansamo meelmarinta wixii lagu heshiiyay.
  • In madaxyaweynta bulshada (elite) ay horseed ka noqdaan hoggaaminta maamulka cusub, rabitaanka shacabkana wax ku gooyaan.
  • In loo kaadiyo, loona dulqaato geeddisocodka shaqooyinka dardarta ku socda.

Federaalaynta dalku waa daadejinta iyo qeybinta maamulka dawliga ah, dimuqraadiyadaynta maamulladuna waa awood-ku-celinta shacabka.

_________________________________________________________________

WQ: Bilal Qasim Fiqi (Aar), Cilmibaare iyo qoraa daneeya taariikhda, suugaanta, dhaqanka iyo afafka.

Gmail: Aarawfiqi@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Axmed Madoobe iyo Deni oo heshiis gaarey

Read Next

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xubnaha Mucaaradka?