Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradka ee ku midaysan madasha samata-bixinta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka diirada lagu saarey qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos.Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dagaalka AS iyo sidii loo Dardar galin lahaa.
Xubnaha Mucaaradka ee maanta la kulmay Madaxweynaha ayaa hore u diiday in ay ka qayb galaan Gogosha Wadatashiga Qaran oo loogu talagalay in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Mucaaradka ayaa diidan hanaanka wax kabadalka dastuurka iyo nooca doorashada ee la filayo in dalka laga qabanayo dalka.
Mustaqbal
