Ciidamada dowladda & kuwa deegaanka oo hawlgal ay ka fuliyeen degmada Mahadaay ku dilay xubno ka tirsan AS

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegay in Ciidamada  deegaanka ee degmadaas ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow agagaarka Ciid Ciidka.

Ciidamada deegaanka ayaa hawlgalka ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena soo furtay hub, gaadiid iyo agab kale;  sida lagu qoray warbaahita ciidanka.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo deegaanka ayaa sii laba jibaaray hawlgallada ay ka wadaan  deegaannada hoos yimaada Mahadaay, iyadoo la beegsanayo goobaha ay AS kaga sugan yihiin gobalka shabeellaha dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii laba jibaartay hawlgallada iyo dagaalka ka dhan ah AS, iyadoo kaa shaneysa ciidamada deegaanka, gaar ahaan hawlgallada ka socda gobalka shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in mid kamid ah Beeraleyda qaadka dalkaasi u magacaabayo Safiirka dalkaasi ee Soomaaliya

Read Next

Wasiirka Caddaalada XFS “Shacbkii markii ay arkeen in aan AS cadow u nahay, kalsooni bay qaadeen ciidankiina wey nagu kalsoonaadeen”,