MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Wasiirka Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddaan ay la timid in ay Al-shabaab cadow ka dhigtaan oo ay ku weeraraan goobahooda, taas ay keentay in ay bulshadii iyo ciidankiiba ku abuurto kalsooni xagga dowladda ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in waqtigii hore aysan wax kala caddeyn ayna xukuumaddaan caddeysa cadaawadda Al-shabaab, godadkooda iyo goobahoodana looga daba tagay.
“Cadow waxaan AS ugu dhigannay in la weeraro, in gododkooda, gabbaadkooda iyo meelaha ay galaan looga daba tago, shacbkiina markii ay arkeen in aan cadow u nahay awal kalsooni ma qabin, kalsooni bay qaadeen ciidankiina way nagu kalsoonaadeen,” ayuu yiri, Wasiirka Caddaalada XFS Xasan Macallin.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in kalsoonida bulsha ay timid markii Xukuumaddaan ay la timid ka go’naasho ayna la timid in weerarto Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii laba jibaartay hawlgallada iyo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, iyada oo kaashaneysa ciidamada deegaanka.
Mustaqbal
