MW Jabuuti oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas u magacaabay Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti u magacaabay Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar, kaas uu horay u ahaa Maxamuud Cali Yuusuf oo oo bishii February loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka cusub ayaa ahaa diblomaasi horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, isaga oo sidoo kale soo noqday Safiirka Jabuuti ee dalka Kuwait.

Sidoo kale, Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar ayaa ahaa bare sare macallinna kaga soo shaqeeyay waxbarashada ee dalka Jabuuti, isaga oo hadda ahaa Safiirka waddanka Kuwait u fadhiyay dalka Jabuuti.

Magacaabistan uu Madaxweyna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti u magacaabay Danjire Cabdul khaadir Xuseen Cumar, ayaa timid kaddib markii wasiirkii hore, Maxamuud Cali Yuusuf oo oo bishii February loo doortay Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiirka Caddaalada XFS “Shacbkii markii ay arkeen in aan AS cadow u nahay, kalsooni bay qaadeen ciidankiina wey nagu kalsoonaadeen”,

Read Next

Hay’adda Duulista Rayidka oo faahfaahin ka bixisay shilka diyaraddii ku dhacday garoonka Aadan Cadde