Fardowsa Cigaal “Qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho waxa aan ku yareenay diiwaangelinta Gaadiidka.”

Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in sababta yareysay qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho ay ku timid howsha lagu qabtay in Gaadiidka lagu qasbo xirashada summadda u gaarka ah (Taarikada).

Waxa ay intaas ku dartay in baraha Hubinta Gaadiidka la geeyay agab casri ah oo lagu hubiyo Gaadiidka isaga kala gudbaya Muqdisho dhexdeeda kaas oo lagu xaqiijiyo Gawaarida diiwaangashan ee nidaamka Wasaaradda Maray.

Labadii sano ee dhowrkii bil ay joogtay ayay tilmaamtay in ay xoogga saartay wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada sida mideynta sumadaha kala duwan ee Gaadiidka oo caqabado badan dhinaca ka gudubka Xuduudaha ku adkaaday.

“Qaraxyada waxaa ku yareynay Gaadiidka ayaan diiwaangelinay oo taariko ku xirnay, Muqdisho way adag tahay in maanta uu maro Gaari aan summad lahayn, awalba kuwo badan ayaa yaaci jiray” Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Taariikhdu maxay ku xukumi doontaa Jiilkeyga?

Read Next

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka cusub