Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Maxamed Faarax Nuux.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal shaqadii ay ka soo qabatay Wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.
Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamacay ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.
Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ahayd Labadii sano ee la soo dhaafay Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , iyada oo maanta xilka kala wareegay wasiirka cusub ee Wasaaradda Maxamed Faarax Nuux.
Mustaqbal
