Maxkamadda CQS oo noqotay maxkamadda ugu badan ee qoondada miisaaniyadda Dowladda hesha

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa qoondada ugu badan ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay marka la barbardhigo maxkamadaha kale sida tan Sare, tan Gobolka Banaadir iyo midda racfaanka.

Qoondada Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Miisaaniyadda ku leedahay waa $3,740,000 halka Maxkamadda ku xigta ee tahay tan Sare ee Dalka oo loo qoondeeyay $2,715,177, farqiga u dhaxeeya waa $1,024,823.

Maxkamadda saddexaad ee qoondada ugu badan ka heshay Miisaaniyadda waa kan Gobolka Banaadir, $2,312,104 Doollar ayaa u diiwaangashan, halka tan racfaanka qoondadeedu tahay $1,194,399 waxaana Guddiga Adeegga Garsoorka ku baxaya qoondo dhan $195,192.

Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala badan qoondada Miisaaniyadda guud ee dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo howsheedu tahay xukun ku ridista Dadka ku eedeysan dambiyada kala ee salkeedu ku dhammaanayo ciqaabka Ciidanka sida Ciidamada Qalabka sida, iyo Kooxaha hubeysan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Guddiga loo magacaabay diyaarinta xeerarka Doorashooyinka oo iska dhex toortay Guddoomiye & ku xigeen

Read Next

Magaalada Muqdsiho oo maanta si rasmi ah loogu furay xafiiska cusub ee hawlgalka kaalmeynta kumeel gaarka ah ee QM ee Soomaaliya (UNTMIS)