Guddiga loo magacaabay diyaarinta xeerarka Doorashooyinka oo iska dhex toortay Guddoomiye & ku xigeen

Guddiga Kumeel-gaarka ah ee Labada Gole Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay diyaarinta xeerarka Doorashooyinka, Ururrada, Xisbiyada, Sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay.

May be an image of 1 person

Ugu horreyn Xubnaha Guddigaan waxa ay iska dhex doorteen Guddoomiye waxaana loo doortay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), halka Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddigaan.

May be an image of 1 person and text

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow, sidoo kale waxaa madasha ku sugnaa hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare & Xoghayaasha labada Aqal.

May be an image of 3 people and text

Xubnaha Guddigaan liiskooda uu kusoo baxay Magacaabista ay sameeyeen Guddoomiyeyaasha labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla howlo la xiriira jiheynta Doorashooyinka Dadweyne ee la qorsheynayo in ay Dalka ka dhacaan.

May be an image of 5 people and dais

La soco wixi kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Wasiirka Gaashaandhigga XFS “Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM”

Read Next

Maxkamadda CQS oo noqotay maxkamadda ugu badan ee qoondada miisaaniyadda Dowladda hesha