Muxuu daaran yahay socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe?

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniinti shalay aheyd magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiha Maxamed Bin Salman, kulankaas oo billow u ah booqashadi shanaad oo uu Blinken ku tagay Bariga Dhexe tan iyo inti uu billowday dagaalka ka socda Gaza.

Bilinken ayaa u tagay Bariga Dhexe sidi uu u riixi lahaa heshiis uu wax ka dhex-dhexaadinayo Mareykanka oo la rabo in lakala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, qorshaha dib u dhiska Gaza kagaalka kaddib iyo in la qaboojiyo xiisadda gobolka.

Kulanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman ayaa qaatay muddo laba saacadood ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller ayaa sheegay, in Blinken iyo Dhaxalsugaha ay ka wada hadleen iskaashi uu gobolka ka galo guul waarta oo laga gaaro qalalaasaha.

Wuxuu kaloo sheegay, in Blinken uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Gaza iyo in laga hortago in colaadda ay kusii baahdo gobolka.

Dhanka Gaza, Xamaas ayaa billowday in ay dib uga soo muuqato qeybo ka mid ah deegaannada ay Isra’il burburisay ee Waqooyiga Gaza, kaddib marki ay ciidamada Isra’il ka baxeen, arrintaas oo ay ku dirayaan farriin ah in ay wali dagaallamayaan.

Muuqaal laga soo duubay aaggaasi ayaa muujiyay burbur baaxad leh oo tusinaya in ku dhawaad guri kasta la burburiyay.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidankiisu ay sii wada doonaan dagaalka ay ka wadaan Waqooyiga Gaza bilo badan isla markaana ay sidoo kale dagaalka kusii akeyn doonaan xagga koofurta ilaa ay mandiqadda oo dhan ka qabsanayaan.

Dagaalka iyo duqeynta ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa tan iyo October lagu dilay in ka badan 28,000 oo u badan dumar iyo carruur, sida ay sheegeen ilaha caafimaadka iyo warbaahinta.

Isha: VOA

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex oo sanad iyo bar ku xukuntay Abwaan Abees

Read Next

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka