Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BJFS ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Ali Muhidin Al-Qardai oo ah Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka.

Guddoomiye Aadan Madoobe waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Qatar Al Kheyriyah ee Soomaaliya Cabdifataax Aadan Macalin iyo Shuceyb Cabdiladiif oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Zamzam ee Soomaaliya.

May be an image of 5 people and dais

Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka, oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka lagu garab istaagaayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la sii xoojin doono  waxqabadka hay’adaha kala duwan ee Islaamka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo boggaadiyay mashaariicda badan ee laga fuliyay Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey booqashada Dr. Ali Muhidin Al-Qardai, waxaana uu kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan dar dargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muxuu daaran yahay socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe?

Read Next

NISA oo Muqdisho ka soo dajisay Sayid Cali oo lagu eedeeyay in uu gubay xaaskiisa