MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Koofur Afrika ayaa kala saxiixday heshiis sheegaya in labada dal ay isu celin karaan dadka dambiyada gala ama eedaha loo heysto.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid Dowladda Koofur Afrika u sahlaya in ay gacanta ku dhigto Xubnaha Qoyska Gupta oo ku nool Abu Dubai,kuwaas oo lagu eedeeeyay in iyaga oo gacan saar la lahaa Madaxweynihii hore Zuma,si dadban ku qaateen lacagta dalka.
Wasiirka Caddaaladda Koofur Afrika Michael Masutha, oo wax laga weydiiyay qoyskaas ayaa sheegay in uusan shaqsiyaad ka hadlayn hayeeshee ku faraxsanyahay heshiiska labada dal.
Walaalaha Qoyska Gupta ee ka soo jeeda Hindiya oo kala ah; Ajay, Atul iyo Rajesh ayuu heshiiskan fududeynayaa in lagu celiyo Koofur Afrika si loo maxkamadeeyo.
Madaxweynihii hore Jacop Zuma ayaa ka mid ah dadka musuqa ku eedeysan,kaas oo dhowr jeer Maxkamad u fariisatay kiiskiisa.
