MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Madaxweynah Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Golaha guud ee Qaramada Midoobey khudbad uu ka jeediyay waxaa uu Beesha Caalamka uga codsaday in ay dhaqaale badan ku bixiyaan ciidankiisa jooga Soomaaliya.

Mr Kenyatta ayaa sheegay in howlgallada nabad ilaalinta Caalamka ee maanta ay halis badan ka jirto qatar badanna la kulmayaan.
Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in oggolaanshaha iyo howlaha kooban ee ay qaban karaan AMISOM uu qeyb ka yahay caqabadaha hortaagan.

Mr Kenyatta ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres,waxaana ay ka wada hadleen sidii Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay u horumarin lahaayeen dhaqaalaha howlgalka AMISOM.

Mr Gutters ayaa ka garaabay hadalka Kenyatta waxaana uu Beesha Caalamka uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya iyo guud ahaan Caalamka isaga oo ugu baaqay in taageerada ay xoojiyaan.
