MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Barcelona ayaa qasaaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Leganes kulan ka tirsana Horyaalka LaLiga Todobaadkiisa 6aad.
Barca oo marti ahayd ayaa goolka hore ee ciyaarta ku horeeysay waxaana hogaanka u dhiibay daqiiqadii 12aad Philippe Coutinho.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala baxay 1-0 waxaana ciyaarta inteeda badan maamuleysay kooxda Barcelona.
Qeybta labaad Leganes ayaa garoonka kula soo laabatay dar xoogan iyago weeraro ku qaadayay goolka barca si goolka deynta ah isaga soo gudaan.
Goolasha kooxda Leganes oo waqti badan usan u dhaxeyn ayaa yimid daqiiqadahii 52aad iyo 53aad waxaana u kala dhaliyay Nabil El Zhar iyo Oscar.
Intaas kadib Barceloona ayaa wax walba u sameeysay sidii ay isaga soo bar bareyn lahayd goolka lakiin waxay dhaafi waayeen difaac adag oo Leganes ay sameysteen.
Guud ahaan ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo guusha ay kula hoyatay kooxda Leganes waxaana guuldaradii ugu horeeysay horyaalka sanadkaan ay soo gaartay Barcelona.
