Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kooxda Rela Madrid ayaa guuldaro culeys badan kala kulantay kooxda Sevilla kulan katirsanaa Horyaalka LaLiga oo ka dhacay garoonka Sevilla.
Real ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala baxay markii laga dhaliyay 3 gool oo darandoori ah daqiiqadihii 17-aad 21-aad iyo 39-aad waxaana labada hore dhaliyay Andre Silva halka kan sedexaad uu saxiixay Wissam Ben Yedder .
Real qeybta hore waa ay jireen fursado ay cuneen balse guud ahaan waxaa lagu dillay kubadaha dhaadheer oo ay sii dheeraayaan qaladaad ka dhacayay xiddigaha Real oo uu ugu horeeyo Marcelo.
Qeybta labaad , Real waxa ay ku bilaabeen dar dar si gool ugu yaraan u helaan waqti hore waxaana daqiiqaddii 55-aad laga diiday gool uu dhaliyay Modric sababo la xariira Offside ka dib markii dib loo daawaday VAR. .
Real waxa ay soo giliyeen Mariano iyo Nanco oo loo kala badalay Benzema iyo Lucas waxa ayna dhacday daqiiqadihii 59-aad iyo 62-aad waxa ayna ka dib Real qaadayaen weerara xilli Bale uu qasaariyay fusrado gool noqon karay .
guud ahaan ciyaartakusoo dhamaatay sidii qeybtii hore waxaa 3-0 loogu awood sheegtay kooxda Real Madrid oo fursado badan qeybta labaad iska qasaariyay.
